Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo lagu soo dhaweeyay Garbahaarey

Date:

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah.

Ujeedka booqashada wafdigaan, ayaa la xiriira dardargelinta howlaha amniga ee gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee nabadgelyada ee magaalada Garbahaarey.

Waxaa lagu wadaa in wafdigu ay kulamo muhiim ah la yeeshaan maamulka gobolka, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga wada shaqeeyo qorsheyaasha amniga iyo horumarinta gobolka. Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey wafdiga magaalada Garbahaarey, iyadoo shacabka iyo maamulka Degmadda muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...