Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlohooda shaqo iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in ay ka madax bannaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, islamrkaana ay ka feejignaadaan in ay dhinac gaar ah la saftaan, isagoo alle uga baryay in uu haleeshiiyo tubta toosan.

Guddiga ayaa looga fadhiyaa qorshaha qabsoomida doorashada qof iyo cod ah,oo ay aheyd inay kasoo shaqeeyaan Guddiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...