DFS oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro laga soo badbaadiyey xabsiyo ku yaalo dalka Liibiya

Date:

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo IOM, ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo madax-furasho u heystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradaan ka kala dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maryan Yaasiin Xaaji Ergayga Gaarka ah ee Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta oo ka hadashay hawlaha soo celinta Gurmadka dhalinyarada tahriibayaasha ah waxaana ay ugu baaqday in ay la xiriiraan safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa xoogga saareysa sidii dhallinyarada Soomaaliya ee ku dhibaateysan dalalka caalamka gaar ahaan dalalka Liibiya iyo Suudaan dib ugu soo celin lahayd ugana badbaadin lahayd dhibaatada ay tahriibka kala kulmaan, waxay dhawaan dalka ku soo celiyay ku dhwaad 100- dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay xeebaha Jaziiradda Madagascar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn...

Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobab ku da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...