Saalax Axmed Jaamac oo ka qeybgalay soo bandhigada warbixinta heerka Saboolnimada

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la fahmo saboolnimada dhinacyadeeda kala duwan si loo dejiyo siyaasado waxtar leh oo wax ka taraya horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormuud u noqoto dadaallada lagu yareynayo saboolnimada, iyadoo la xoojinayo siyaasadaha iyo barnaamijyada u adeegaya danta guud ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka.

Warbixinta ayaa soo bandhigaysa heerarka saboolnimada ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay dhinacyada nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu yaraynayo saboolnimada, iyadoo la isticmaalayo xog sugan oo horseedi karta qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...