Wasiirka Ciyaaraha Galmudug oo tababar Aqoon kororsi ah u furay Dhallinyarada Galmudug

Date:

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Galmudug Cabdiwahaab Sheekh Abuukar Nuur, ayaa maanta Tababar sare loogu qaadayo Aqoontooda xirfadeed uga furay Gaalkacyo Xubno ka socday Ururada Dhalinyarada Galmudug iyo Ardayda Jaamacadaha, kuwaas oo ka kala yimid dagmooyin ka tirsan Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Furitaanka tababarka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyayaasha ururada dhalinyarada iyo Cayaaraha heer Gobal iyo Heer Dagmo, ayaa wasiirka oo ka hadlay furitaanka Tababarka waxa uu sheegay in tababarkaan uu qeyb ka yahay kuwo horay ay wasaaradda ugu qabatay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ujeedka tababarka ayaa ahaa in dhalinyarada laga dhisayo xagga Aqoobta, tiknoolajiyada casriga, si ay ula jaanqaadaan Heerka uu caalamku usii guurayo ee Tiknoolajiyada.

Ugu Dambeyn Wasiir Cabdiwaah Sheekh Abuukar Nuur ayaa yiri ” waxaan idanka codsanayaa inaad ka faa’iideeystaan Casharada Tababarka lagu baranayo, mudada uu socdo ayna gaarsiiyaan Aqoonta aad halkaan ka dhaxashaan Dhalinyarada iyo Bulshada aan nasiibka u yeelan Tababarkaan”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...