Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan rabnaa inaan xoogga saarno sidii Baasaboorkeennu ula tartami lahaa kuwa Caalamka”.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda looga fadhiyo sidii Baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.

“Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta Hey’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hey’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada, waana halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow).

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo kula dardaarmay agaasimaha cusub ee xilka la wareegay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga ay hey’addu bixiso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...