Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo gaaray magaalada Baydhabo

Date:

-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Wasiirka waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Shaati-Gaduud ee Magaalada baydhabo Xubno ka socda bahda Cadaaladda Koonfur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Mudane Cabdiqaadir Yuusuf Cabdi Nuur.

Ujeedka safarka ayaa ah ka qeybgalka xafladda howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo, howlgalinta xabsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta adeegyada Asluubta iyadoo la xaqiijinayo xuquuqda maxaabiista lana tayeynayo xarumaha lagu xannaaneeyo eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha.

Xubnaha Wafiga ee la socdo Wasiirka waxaa kamid ah wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Mudane Ilyaash Sheekh Cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...