Kulan dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026) oo Muqdisho ka furmay

Date:

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay kulan labo cisho soconaya oo dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026).

Kulanka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Waxbarashada Heer Federal, Dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, saamileyda waxbarashada, hay’adaha waxbarashada gaarka loo leeyahay, hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya horumarinta Waxbarashada iyo ururada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka oo ay si rasmi ah u furtay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa waxyaabaha qabsoomay muddadii 2da sano iyo barka ahayd iyo caqabadaha lala kulmay, waxaana ka filayaa in ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo waddada u xaaraya in dib-u-qaabeyn lagu sameeyo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada, ulana jaanqaado Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...