Shirka Amniga Qaranka oo warbixin la xiriirta caqabadaha Beeraleyda looga dhageystay Wasiir Maareeye

Date:

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qodobadii lagu soo bandhigay shirka Amniga Qaranka ay qeyb ka ahayd caqabado heysta Beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid tahay isbaarooyin sharci darro ah oo lacaga looga qaado.

Mudane Xuseen Macalin la taliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinno muhiim ah looga dhageystay shirka oo lagu casuumay Wasiirka Beeraha XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, kaas oo soo bandhigay xaaladda dhibta ah oo ay ku jiraan beeraleyda Shabeelooyinka, isagoo sidoo kale la wadaagay Golaha Amniga Qaranka sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah.

Lataliyaha ayaa sheegay in Wasiirka uu soo bandhigay saameynta dhaqaale ee wax-soo-saarka dalka ku yeelan karto hadaan xal loo helin caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mudane Xuseen Macalin La taliyaha Amniga Qaranka,ayaa tilmaamay in madaxweynaha JFS uu ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...