Shirweynaha 15-aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo xoogga lagu saarayo Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga

Date:

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo maalintiisa labaad galay ayaa maanta xoogga lagu soo saari doodo la xiriira hanaanka dowlad dhiska casriga ah iyo Waxbarashada.

Shirka ayaa maanta xoogga lagu soo saari doonaa dood la xiriirta Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga ah, taas oo ay ka qeyb-gali doonaan Ambassador Daahir Maxamuud Geelle, Dr Maxamed Xuseen Ciise, Dr Saciimo Cabdullaahi, Dr Cabdiqaadir Macallin Nuur, Dr Maxamed Xaaji iyo Sheekh Ibraahim Maxamed kuwaas oo dhammaan ah aqoonyahanno dhanka Diinta Islaamka.

Dhanka kale waxaa isla maanta jiri doono dood kale oo la xiriirta Doorka ay waxbarashada kuleedahay dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed, taas oo ay ka qeyb qaadan doonaan aqoonyahanno ka socda bahda Waxbarashada dalka iyo kuwa kale oo ka yimid dalka dibadiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay Shirkan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.

Shirkan oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...