shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed kaas oo dalka lagu qabanayo muddo 35 sanno kadib ah.

Shirweynahan waxaa ka qeyb galaya in ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdalla Axmed oo ka hadlay madasha ayaa sheegay wasaaraddu ay hormar weyn ka gaartay, tusalana ay u tahay qabashada shirkan.

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha dalka Prof. Maxamed Maxamuud Bidey ayaa yiri “Doorka Jaamacadaha ee shirkan waxa uu yahay in ay xoojiyaan cilmi baarisyada laga sameeyey tacliinta dalka.”

Shirkan waxaa ka qeybgalaya dhamaan qeybaha kale duwan Bahda Waxbarashada, Aqoonyahanno isaga kala yimid guud ahaan dalka iyo dibadiisa, iyadoo Shirkan laga filayaa in laga soo saaro Daraasaado la xiriira waxbarashada sare ee dalka iyo Cilmibaarisyo laga sameeyay waxbarashada sare dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...