Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Daraasaadka Caalamiga ah oo goor Muqdisho ka furmaya

Date:

-Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Daraasaadka Caalamiga ah ayaa maanta ka furmayay Muqdisho,waxana soo qaban qaabiyay jaamacadda umadda.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu daah furo Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana ka qeyb galaya Mas’uuliyiin katirsan dowladda aqoon yahanno iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Hiddaha

Iyo Tacliinta sare xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdalla Axmed oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay hormar weyn ka gaartay tayeenta waxbarashada,tusaalana ay u tahay qabashada shirkan

“In shirkan dalka lagu qabto waxa ay tusaale u tahay horumarka aan ka gaarnay wwaxbarashada.ayuu yri Agaasimaha Guuda

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha dalka Prof. Maxamed Maxamuud Bidey ayaa yiri “Doorka Jaamacadaha ee shirkan waxa uu yahay in ay xoojiyaan cilmi baarisyada laga sameeyey tacliinta dalka.”

Aqoonyahanada kale ee shirka ka hadlay ayaa dhammantood bogaadiyay shirkan iyagoo sheegay in ahmiyad weyn uu u leeyahay waxbarashadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...