Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Daraasaadka Caalamiga ah oo goor Muqdisho ka furmaya

Date:

-Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Daraasaadka Caalamiga ah ayaa maanta ka furmayay Muqdisho,waxana soo qaban qaabiyay jaamacadda umadda.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu daah furo Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana ka qeyb galaya Mas’uuliyiin katirsan dowladda aqoon yahanno iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Hiddaha

Iyo Tacliinta sare xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdalla Axmed oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay hormar weyn ka gaartay tayeenta waxbarashada,tusaalana ay u tahay qabashada shirkan

“In shirkan dalka lagu qabto waxa ay tusaale u tahay horumarka aan ka gaarnay wwaxbarashada.ayuu yri Agaasimaha Guuda

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha dalka Prof. Maxamed Maxamuud Bidey ayaa yiri “Doorka Jaamacadaha ee shirkan waxa uu yahay in ay xoojiyaan cilmi baarisyada laga sameeyey tacliinta dalka.”

Aqoonyahanada kale ee shirka ka hadlay ayaa dhammantood bogaadiyay shirkan iyagoo sheegay in ahmiyad weyn uu u leeyahay waxbarashadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...