Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq 

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam oo Safar shaqo ku jooga magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq, ayaa kulan looga hadlayay iskaashiga dhanka Caafimaadka labada dowladood la qaatay dhiggiisa Wasiirka Caafimaadka Ciraaq Dr. Saleh Mehdi Al-Hasnawi.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay Latiyaha 1-aad ahna kusimaha danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ciraaq mudane Cabdifatax Sheekh Axmed.

Wasiirka ayaa Dowlada Iraq ku booriyay isdhaafsiga khibradaha Caafimaad iyo taageeradooda ku aadan tababaridda dhaqaatiir soomaaliyeed taasoo uu soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Ciraaq isagoo xusay in ay si degdeg ah uga shaqayn doonaan sidii dhaqaatiir soomaaliyeed ay Deeqo-waxbarasho uga heli lahaayeen dalka Ciraaq.

Wasiir Cali Xaaji ayaa uga mahadnaqay dhiggiisa Ciraaq Dr Saleh Mehdi Al-Hasnawi soo dhawaynta diiran ee ay Dowladda Ciraaq u fidisay intii uu ku sugnaa wadanka Ciraaq iyo marti galinta meertada 61-aad ee shirka Golaha Wasiirada caafimaadka carabta, waxa uu sidoo kale bogaadiyay balanqaadka dowlada Ciraaq ee tababaridda dhaqaatiirta soomaaliyeed si dalkeenu u helo xirfadlayaal caafimaad oo tayadoodu sarayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaanshigga XFS oo tegay Awdheegle

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo tababar Muhiim ah soo xiray

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo magacaabay masuuliyiin cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka ganacsiga XFS iyo wasiirka ganacsiga Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan...