Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo boggaadiyay natiijada shirkii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salaax Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka,  ayaa sheegay in heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara uu ahaa mid wax ku ool ah,isla markaana meesha ka saaray wax kasta oo khilaaf ah oo u dhaxeeyay labada dal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wada shaqeyn doonaan hannaan cusub oo wada ogol ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee dunida,isla markaana horay u sii riixaya danaha labada shacab iyo labada dal.

Mudane Salaax Jaamac ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ku tilmaamay mid guul ah oo wax u taraya labada dal iyo labada shacab,isagoo intaa raaciyay in mustaqbalka heshiiskaan uu keenayo in loo guuro jawi cusub oo lagu xoojinaayo xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha Dalka Turkiye oo dadaal u galay isu soo dhaweynta labada dal iyo sidii loo gaari lahaa heshiis miro dhal ah oo Soomaaliya iyo Itoobiya u horseeda in ay horay u wataan horumaradooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socda QM

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka...