Shirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay Ankara 

Date:

Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulankan oo saacado badan socday,ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen, iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saaro, oo ayna tahay taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya.

Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga waxaa labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si mug leh ugu mahadnaqeysaa Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...