Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Dalka Turkiga 

Date:

Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...

Hay’adda SoDMA oo kulan xog-wareysi ah ku qabatay Laaacaanood

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...