Wasiiru Dowlaha Cadaaladda oo kulan Qaahira Wasiirka Arrimaha Barlamaanka dalkaas

Date:

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar iyo Wasiirka arrimaha Baarlamaanka dowladda Masar, Mahmoud Fawzi, ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka labada Wasaaradood, horumarinta iyo daadejinta federaaleynta dalka iyo in Masar ay dowladda Soomaaliya ka caawiso geedi-scodka dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka si loo helo dastuur la jaan-qaadaya dunida casriga ah, loona daboolo baahida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale labada Wasiir, ayaa kulankooda uga hadlay isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, gaar ahaan in dowladda Masar oo kamid ah dowladaha ugu facaweyn dunida ay Soomaaliya usoo dirto khubaro dhinaca sharciga ah oo ka caawiya dib-u-habeynta sharciyada iyo abuuridda sharciya cusub oo la jaan qaadaya hannaanka federaalka ee dalku qaatay.

Wasiir Ilyaas ayaa Maxamuud Fawzi uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran, waxaana wasiirka arrimaha baarlamaanka Masar oo bogaadiyay heerka horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo ka go’naanta hiigsiga hadafka sare, waxaana uu u cadeeyay in Masar ay Soomaaliya ku garab taagantahay xaqiijinta hadafkaas weyn ee qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...