Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta magaalada Muqdishu si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo lagaga hadlayo 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐧 𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚.

Shirkaan, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Sederaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaalaha.

Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay ayaa xaqiijiyay in Dowlada Federaalka ay wado dadaalo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajoodka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda, ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado si loo gaaro horumar dhaqaale iyo adeeg bulsho.

Shirkaan oo socon doona ilaa iyo galinka dambe ee maanta, ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah horumarinta dakhliga Dowladda iyo Heshiiska Bulshada ee horumarinta dhaqaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...