Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Algeria ee Midowga Afrika

Date:

Xoghayaha joogtada wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Xaadoow ayaa shalay xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Danjire Marwo Selma Malika Haddadi, Safiirka Algeria ee Midowga Afrika iyo Itoobiya.

Mudane Xamsa Xaadoow iyo Danjire Marwo Selma Malika Haddadi ayaa intii ay socotay booqasho sharafeedkeeda, waxay labada dhinac ka wada hadaleen xoojinta xiriirka labada Dal , iyo taageerada musharaxnimadeeda Kuxigeenka Midowga Afrika.

Xoghayaha Xaadoow ayaa sheegay in Soomaaliya mar walba ka go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga istiraatijiyadeed ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada qaaradeenna Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...