Raโiisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa ka tacsiyeeyay Geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi in mudda ah ka shaqeynaayay idaacaddii BBC-da laanteed afka Soomaaliga, isaga oo mudooyinkii dambe ku xanuusanaa magaalada Hargeysa.
Raโiisul wasaaraha ayaa sheegay in uu wariye Cabdirisaaq Xaaji, door muhiim ah ka soo qaatay horumarinta afka- Soomaaliga, dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada, isaga oo tilmaamay in uu ahaa tiir isku xira guud ahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.
โWaxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraadabada, bahda warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Rugcaddaa saxaafadeed Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysaโ. Ayuu yiri, Raโiisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Raโiisul wasaaraha ayaa Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ugu bishaareeyo, qoyskii, qaraabada, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed Samir iyo Iiman Alle ka siiyo.
