Dowaladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineyso muwaadiniin laga soo badbaadiyay biyaha Jasiiradda Madagascar

Date:

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha dalka Jasiiradda Madagascar.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 22-ka ruux ee masiibadan ku dhintey, isagoo dhanka kalena xusay in 48-ka qof ee la soo badbaadiyay ay gacanta ku hayso Dowladda Madagascar.

Wasiirka ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtey Muqdisho ayaa sheegay in dowaldda ay halkaa u direyso masuuliyiin si loo xaqiijiya xaladda muwaadiniitaa soomaaliyeed iyo halka ay kasoo baxeen,lana hubin doono in dhammaan dadkaa ay wayeeladu gaartay ay yihiin soomaali.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa intaa sii raaciyay hadalkiisa in dowladda ay sameeyn doonto baaritaanno.madama wax tahriibintu ay tahay fal dambiyeed iyo cida ku lugta leh,dhalinyarada soomaaliyeed ayuu kaga digay in galan safaradaa sharci darada ah ay naftooda qatarta ku galinayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...