Wasiirka Dastuurka XFS oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka KMG ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha DastuurkJFS Mudane Xasan Macalin oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dastuurku oo dhameystirmo micnihiisu yahay dadweynaha Soomaaliyeed oo hela xaqoodooda oo ah doorsha qof iyo cod ah.

Mudane Xasan maclin ayaa tilmaamay in madaama dastuurka ay ku jiraan qodobo u baahnaa wadaxajood siyaasadeed uu madaxweynahu shir guddoomiyay shirka Golaha wadatashiga Qaranka si looga heshiiyo loona dhameystiro dastuurka,haddana lagu guda jiro la tashiyada dadweynaha ee cutubyada 5-aad ilaa 9-ee dastuurka dalka.

Wasiirka Cadaallada iyo Arrimaha dastuurka Xasan Maclin ayaa intaa hadalkiisa ku daray in ay muhiim tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah shacabkana loo celiyo awoodda, si cidda hoggaamineyso ay iyaga u soo doortaan, isagoo sheegay in Hindise Sharciyeedka doorashada ee saddexda ah ay hadda horyaalaan Baarlamaanka si ay u meel mariyaan kadibna dalka uu aadi doono doorasho toos ah(Qof iyo cod),taa oo looga gudbayo doorasho dadban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal...

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...