Wasiir Fiqi oo Qaabbilay Agaasime ku-xigeenka UNDP ee wadamada Carabta

Date:

Muqdisho-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigeenka Agaasima Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka ah ee u dhexeeya UNDP iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyay Marwo Walter doorka muhiimka ah ee UNDP ay ka qaadato horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.

Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay arrimo badan oo dan guud ah, muhiimadda isku-duwidda dedaallada horumarineed si looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida beeraha iyo kalluumeysiga.

Kulanka ayaa sidoo kale waxay kaga wada hadleen caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee looga gudbi karo si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka.

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka sii socda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado horumar waara oo Soomaaliya ay ka gaarto dhinacyada horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb gashay shirka Dhaqanka EAC 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Shaqada XFS oo ka digtay ku-shaqeynta carruurta,

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildhibaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan Iskaashiga Amniga ah

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...