Wasiirka Qorsheynta oo furay shirka Wadatashiga Qorshaha ee Isbeddelka Qaran 2025-2029

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah furay shirka wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029) ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Shirka, oo socon doona afar maalmood, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin isugu jirtay Wasiiro, Agaasimayaal Guud oo ka tirsan Galmudug iyo maamulada magaalooyinka waaweyn ee kala ah: Dhuusamareeb, Cadaado, Caabud-Waaq iyoGaalkacyo ee Dowladda Galmudug.

Wadatashiga waxaa diiradda lagu saarayaa afar tiir oo muhiim ah oo kala ah: Maamul-wanaagga, Horumarinta Dhaqaalaha, Bulshada iyo Karaanka Aadanaha, iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Ujeeddadu waxay tahay in la falanqeeyo fursadaha iyo caqabadaha ka jira Galmudug, lagana doodo xalalka iyo qorshayaasha shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Maxamed Cali Cantoobo, oo ka hadlay shirkaa ayaa sheegay baahida loo qabo qorshe cad iyo mudnaanta howlaha muhiimka ah, si loo gaaro horumar waara. Natiijooyinka shirka ayaa gacan ka geysan doona diyaarinta khariidad cad oo Galmudug ku horumarinaysa shanta sano ee soo socota.

Shirkan wuxuu bilow u yahay wadatashiyo kale oo lagu qaban doono dowlad goboleedyada kale, iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...