Guddiga Awqaafta Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Diinta XFS

Date:

Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aalo waydiin iyo la xisaabtan ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo sidoo kale qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wWasaaradda, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diiinta ayaa marka hore xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha ay Wasaaradda dadka iyo dalka u heyso iyo sidoo kale qorshayaasha Wasaaradda u degsan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday su’aalo ka weydiiyay howlaha ay Wasaaradda heyso gaar ahaan arrimaha xajka iyo guud ahaan shaqooyinka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, waxaana Wasiirka iyo xubnihii la socday ay ka jawaabeen dhamaan su’aalihii xubnaha guddiga ay weydiiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Wasaaradda oo uu Wasiirka ugu horeeyo uga mahadceliyay ka jawaabistooda u yeeritaanka guddiga, waxaana labada dhinac ay isku raaceen dhamaystirka sharciga xajka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...