laamaha Amniga Mudug oo gacanta ku dhigay gaari sahay u sidday khawaarijta

Date:

Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug, ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday deegaanada Dumaaye Iyo Dabalo ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug.

Gaarigaan oo noociisu ahaa Nooha waxa uu sidday Shiidaal iyo raashin khafiif ah oo ku socday khawaarijta,kaas oo la sheegay in uu ka soo ambabaxay degmada Gaalkacyo.

Ciidamada laamaha amniga ayaa sheegay inay kor kala socdeen dhaq dhaqaaqiisa maalmihii lasoo dhaaf,iyagoo markii dambe gacanta ku dhigay gaarigaasi iyo raggii la socday.

taliska Ciida ka Booliska gobolka Mudug ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno ku aadan baabuurkaasi iyo ciddii wadatay,iyagoo intaa raaciyay in ay dhowaan horgeyn doonaan maxkamadaha ku shaqada leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...