Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulluugga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing halkaas oo hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha ay uga wada hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta Dhaqaalaha Buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga.

Shir doceedkan waxaa ka qeyb galay daneeyayaal muhiim ah wuxuuna ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha Buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha si loo gaaro koror dhaqaale.

Wadahallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda.

Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid. Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka.

Shir doceedkaan wuxuu ahaa madal loogu talagalay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirrigelinaya iskaashiga labada dowladood si loo hormariyo koritaanka dhaqaale waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka furtay shir ay ka qeyb galayaan bulshada rayidka iyo beesha caalamka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta Dalka

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Gorgor oo howlgallo qorshaysan ka fuliyey Jowhar

Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Guutada 18-aad...

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...