Wasaaradda Maaliyadda XFS Oo ku dhawaaqday in canshuurta gedista laga joojiyay Isbitaalada

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo khudbad ka jeediyay Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano ee Isbitaalka Demartino, ayaa sheegay in canshuurta gedista laga joojiyay isbitaalada.

Wasiir Xaange waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay tixgaliyeen talooyinka bahda caafimaadka, isla markaana ay meesha ka saareen cashuurtii gedista, iyagoo u damqanaya xaaladda dadka iyo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada ay yihiin dhinacyada ay dowladu mudnaanta siineyso, isagoo ballan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha isbitaalada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...