Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay kulanka Maamuuska Madaxda Afrika iyo Shiinaha

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kala qeyb-galay Madaxda Afrika ee ka qeyb-galaya Madasha Shiinaha iyo Afrika munaasabad sharafeed uu soo agaasimay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha Mudane Xi Jinping, taas oo hordhac u ah furitaanka Madasha.

Madasha Shiinaha iyo Afrika, ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta bulshada, iyadoo laga arrinsanayo kobcinta maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee Jamhuuriyadda Shiinuhu ay ka fuliyaan Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta uu ku sugan yahay Madasha, waxa uu la kulmi doonaa hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada sare ee dalalka Afrika iyo Shiinaha, si loo dardar geliyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalkeennu uu la leeyahay caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...