Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeygalay Xuska maalinta Guusha Turkiga 

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya uga qeyb galay Maalinta guusha Qaranka Turkiga oo sanad kasta marka la gaaro 30-ka Bisha Agoosto looga dabaal dego dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad ka jeediyay xafladda xuska Maalinta Guusha Qaranka Turkiga ayaa shacabka iyo Dowladda Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta guushooda iyo sidoo kale 102-sano oo hada laga joogo horumarka ay ku talaabsadeen, waxa uuna ku amaanay doorkiisa ku aadan siyaasadda caalamka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ugu dambeyn Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Dayip Erdogan dowladiisa iyo lllguud ahaan shacabka wadankaasi uga mahadceliyay taageerada walaaltinimo ee ay la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Maalinta Guusha Turkiga oo ah 30-ka Agoosto waxaa sanad walba laga xusaa guud ahaan dalkaasi, waxa ayna maalintani astaan ​​u tahay guusha qaranka Turkiga uu usoo halgamay xilligii uu socday dagaalkii xornimada qaran ee horseeday abuuritaanka dawlad cusub oo ah tan maanta la yiraahdo “Jamhuuriyadda Turkiga”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...