Wasiirka Gashaandhigga “Cadowgeena gudaha iyo dibadaba waa inaan u diyaar garownaa”.

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac),ayaa tagay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo tababaro uga socday Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo khudbad dhiirrigelin ah u jeediyay ciidamada, ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”

Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, isagoo sheegay in uu ku yimid dareen ah in aysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka hortagi kara, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka.

Wasiirka, ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka kaalinta weyn ay ka qaadatay dhismaha ciidanka oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo kaalmada kale ee ay siiso dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Munaasabad lagu abaal-marinayo Saraakiishii ka qeyb qaatay sugidda Amniga todobaad xorriyadda oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha guddiga qaranka ee qaban-qaabada toddobadda xorriyadda, ahna Wasiirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...