Xildhibaanada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay Dooda Canshuuraha 

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 18-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhameystirka ka doodista soo jeedinta (mooshinka) Xildhibaanada ee ku saabsan arrimaha canshuuraha Iibka iyo cabashada ganacsatada.

Dooda Xildhibaanada oo soo socotay kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabku yeeshay ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana dooda ka qeyb galay oo aragtooda ka dhiibtay soo jeedinta canshuuraha iibka 85-Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda loo xilsaaray iney Golaha Shacabka kusoo celiyaan arrimaha ay ka doodeen Xildhibaanada iyo cabashada ganacsatada.

“Guddiyada shaqo adag ayay hayaan waxaa inoo maqan saddex guddi, maanta Guddiga Maaliyadda ayaa arrintan dooda canshuuraha u saareynaa muddo kooban waa in Golaha Shacabka warbixin faahfaahsan usoo gudbiyaan, wixii sharciga waafaqsan iyo arrintaan culeyskeeda waxa keenay”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in warbixinta Guddiga Maaliyadda ka dib ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya go’aan rasmi ah soo saari doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay...