UN-ka oo lagu qasbay hakinta gargaarka iyo Israel oo dishay in ka badan 20 ruux

Date:

Ciidamo ku hubeysan taangiyada Israel ayaa qaramada midoobay ku qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee ay ka wadeen Deir el-Balah oo ku taal bartamaha Gaza, ka dib markii Israa’iil ay amartay in dad badan laga raro deegaankaasi oo ahaa xarunta howlgallada UN-ka.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in lagu qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee Gaza,ka dib markii ay ka soo guureen Rafah oo ciidamada Israa’iil ay duullaan dhulka ah ku qaadeen horaantii sanadka.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegay in saaka aroortii ciidamada Israa’iil oo weeraray Dier el-Balah iyo Khan Younis ay dileen ugu yaraan 14 qof, sida ay ku warameen wariyaasha ku sugan Marinka Qaza.

Agaasimaha Cisbitaalka Kamaal Adwan ee Beit Lahia ayaa sheegay in Isreal ay diidday shidaalka qaybta caafimaadka, ayna doorbideyso in gabi ahaanba la burburiyo.

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ayaa mareysa ugu yaraan 40,476 qof ,halka dhaawacana lagu sheegay 93,647 tan iyo dagaalkii bilowday 7-dii Oktobar ee sanadkii tagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...