Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo xukun dil toogasha ah ku riday Askari horay dil u geystay

Date:

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xuku dil toogasho ah ku riday Mahad Cali Maxamuud oo katirsan ciidanka deegaanka ee degmada Deyniile,kadib dil uu horay ugu geystay marxuum Axmed Nuur Tooxoow, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Labaatankii bishii Afaraad ee sanadkaan 2024.

Marxuumka oo heystay Bastoolad sharciyeysan ayaa isaggoo maraya laamiga Daaru-salaam, gaarina wato waxaa jidka u istaagay Eedeysane Mahad Cali Maxamuud Madoobe, kaasi oo gaariga joojiyey kuna amray inuu Bastoolada soo wareejiyo, balse Marxuumka ayaa ka diiday maadama uu bastooladda u heystay sharciga hubka ee ay bixiso Wasaaradda Amniga, intaas kadibna eedeysanaha ayaa xabado ku furay, halkaasi ayuuna ku geeriyooday Marxuum Tooxoow

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Maxamuud Madoobe dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Axmed Nuur Tooxoow,Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...