Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirk Cusub ee dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha usoo magacowday Soomaaliya Wang Yu oo ay wehliyaan diblomaasiyiinta safaaradda.

Ugu horeyn Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo guddoomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay salaan uu kaga waday dhigiisa Dalka Shiinaha ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa ,isaga oo sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Soomaaliya safiir ka noqdo sidoo kalena ay tahay markii ugu horeysay oo dal Afrika ku yaala uu safiir ka noqdo.

Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan diyaarna ay u yihiin taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha uga mahadceliyay taageeradda dhincyada kala duwan leh ay mar walba siiyaan Soomaaliya,ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir qotodheer oo dhinacyo badan ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dalka gaar ahaan labada Baarlamaan isaga oo tilmaamay in ay dhinacyo badan ka wada shaqeyn doonaan,sidoo kalena ay labada wadan wadaagi doonaan aqoonta iyo khibradda Xildhibaanadda labada Baarlamaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...