Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo Qaabbilay Madaxa hay’adda Caalamiga ah ee USAID

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiimad gaar ah leh, waxaana si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo USAID si loo kordhiyo dadaallada horumarineed.

Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday ajendaha kulanka soo socda ee wax-ka beddalka Hiigsiga Horumarinta Tobnaad, kaas oo lagu horumarinayo dhaqaalaha, laguna xoojinayo dedaallada dimuqraadiyadda, maamulka, iyo xasilinta dalka.

Dhinacyada ayaa isla gartay siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi dhex mara Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo USAID, iyadoo si gaar ah loo eegay kor u qaadista wada-shaqaynta dhinacyada qorshaynta, kormeerka iyo qiimeynta si loo gaaro natiijooyin horumarineed ee muuqda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...