Xildhibaanno ka dalbaday Qurba joogta inay ka qeybqataan dhismaha Isbitaalka Gado

Date:

Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo,ayaa codsaday in Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya,Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qurbo joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibadda ay ka qeybqaataan dhismaha Isbitaalka weyn oo loo qorsheeyay in laga dhiso gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Duniyo Sheekh Axmed,Anfac Xashi Goodir oo kamid ah golaha deegaanka Magaalada Oslo ee Norway iyo maamulka Degmada Dooloow, ayaa booqday goobta loo qorsheeyay in laga hirgaliyo Isbitaalka .

Booqashada goobta Isbitaalka oo ay sidoo kale xaadireen oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale waxa ay si gaar ah uga dalbadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubballand inay qeyb libaax ku yeeshaan  dhismaha Isbitaalka oo wax badan u qaban doona dadka deegaanka Gedo.

Dhaqaatiirta waaweyn ee magaca ku leh bulshada dhexdeeda, ayaa sidoo kale laga codsaday in ay gacan ku yeeshaan taabagalinta Isbitaalka oo ku fadhiya dhul gaaraya 1050 mitir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...