Shirk hormarinta Beeralayda oo lagu qabtay Magaalada Jowhar  

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye, ayaa shir guddoomiyay uga furmay Wasiirada Beeraha dowlad Gobaleedyada dalka magaalada Jowhar.Kulanka oo jeedkiisu ahaa Socdaalka xoojinta tacbashada Beeraha iyo la qabsiga Isbedelka Cimilada 2024.

Sidoo kale Wasiir Maareeye iyo Wasiirada kale ee Dowlad goboleedyada, ayaa la kulmay Iskaashatooyinka Beeralayda, iyagoo la wadaagay Siyaasadda Qaran ee Beeraha, Siyaasadda qaran ee Fidinta Beeraha, Howlaha Hortabinta u leh Dowladda ee dhanka Beeraha iyo sida ay Wasaaradda Beeraha uga go’antahay caawinta iyo garab istaagga beeraleyda Soomaaliyeed.

Dhinaca mas’uuliyiinta,ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo muhiim u ah Wax-soo saarka dalka iyo Beero ku yaal banaanka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...