Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Madaxa Cusub ee Iskaashiga Jarmalka ee Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Alena Kern, oo aheyd Madaxa Iskaashiga Horumarinta Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya oo xilka ka degaysa, iyo Mudane Simon Hagemann, oo ah Madaxa Cusub ee Iskaashiga Horumarinta Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.

Kulanka, ayaa lagu falanqeeyey guulaha laga gaaray mashaariicda horumarineed ee hadda socda, iyadoo la isla gartay in la kordhiyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, si loo xaqiijiyo guulaha mustaqbalka. Wasiirka, ayaa si gaar ah u xusay kaalinta muhiimka ah ee Alena Kern ay ku lahayd horumarinta xiriirka labada dhinac, isagoo ku ammaanay dadaalkeeda joogtada ahaa ee lagu taageerayay horumarinta Soomaaliya.

Intaa kadib, Wasiirku wuxuu si diirran usoo dhoweeyey Mudane Simon Hagemann, oo xilka la wareegaya. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in hogaamintiisa ay sii xoojin doonto iskaashiga labada dal, iyadoo la tixraacayo qorshayaasha cusub ee horumarineed ee la filayo in laga hirgeliyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday in labada dhinac ay ka wada hadlaan qorsheyaasha mustaqbalka, oo ay ku jiraan mashaariic cusub oo la filayo in ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta dhaqaalaha, bulshada, iyo deegaanka ee Soomaaliya. Iskaashigan cusub ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo horseedi kara isbeddel weyn oo dhinacyada kala duwan, gaar ahaan sidii loo heli lahaa xal waara oo loo dhan yahay.

Kulankaan wuxuu astaan u yahay sii socoshada iyo xoojinta xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, iyadoo la rajeynayo in iskaashiga labada dal uu noqdo mid miro-dhal ah, kaasi oo wax weyn ka tari doona horumarka dalka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...