Duqa Muqdisho kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Gobolka Banaadir 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa guddoomiyay shirka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan oo ahaa mid isla xisaabtan iyo kala war-qaadasho, ayaa looga hadlay dar-dargelinta shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar, tayeynta shaqaalaha iyo sidii looga dhabeyn lahaa qorshayaasha hor-tabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinaayo Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in la joogteyn doonno isla xisaabtanka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir, si loo dar-dargeliyo adeegyada loo haayo shacabka, isla markaana ay Howlwadeenada si hufun u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...