Guddiga gurmadka Qaraxii liido oo gaarsiiyay dhawacyadii lacago min 1000$ ah

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaraxi Liido, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa shir guddoomiyay kulan uu guddigu ku yeeshay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), waxaana goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisu lwasaaraha Xirsi Gaani iyo Guddoomiyaha Hay’adda Md. Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, ayaa la isku af-gartay In ugu dambeyn dhammaadka bisha October la daah-furo xarunta daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah ee dhismaheedu ka socdo gudaha isbitaal Madiina.

Guddigaan, ayaa 41 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagaxiso ee billawgii bishaan ku wajeejiyay min kun doolar ($1000), halka uu sidoo kale bixiyay lacagta ay soo dallacdeen Isbitaallada la tacaalay dadka waxyeelladu gaartay.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa ballan-qaaday in la kaalmeyn doono qoysaska ay ka baxeen dadka weerarka ku naf-waayay, marka ay xogto soo dhammeystiranto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...