Guddiga gurmadka Qaraxii liido oo gaarsiiyay dhawacyadii lacago min 1000$ ah

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaraxi Liido, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa shir guddoomiyay kulan uu guddigu ku yeeshay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), waxaana goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisu lwasaaraha Xirsi Gaani iyo Guddoomiyaha Hay’adda Md. Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, ayaa la isku af-gartay In ugu dambeyn dhammaadka bisha October la daah-furo xarunta daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah ee dhismaheedu ka socdo gudaha isbitaal Madiina.

Guddigaan, ayaa 41 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagaxiso ee billawgii bishaan ku wajeejiyay min kun doolar ($1000), halka uu sidoo kale bixiyay lacagta ay soo dallacdeen Isbitaallada la tacaalay dadka waxyeelladu gaartay.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa ballan-qaaday in la kaalmeyn doono qoysaska ay ka baxeen dadka weerarka ku naf-waayay, marka ay xogto soo dhammeystiranto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...