Afhayeenka Gobolka Banaadir oo soo badhigay Xogta Dad farabadan oo laga helay Cudurada Faafa

Date:

Maamulka Gobolka bBenaadir o ka duulaya badqabka iyo Caafimaadka Dadka Soomaaliyeed ayaa bilaabay tariikhda markii ay aheyd 25/1/2024, Dib u nidaaminta adeega Fayadhowrka Guud.

Waxaa baris iyo hubin lagu sameeyay dhammaan goobaha loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed, hoolwadeenada u adeega bulshada Caafimaadkood si loo hubiyo badqabkooda,Waxaa lagu sameeyay baaritaano Caafimaad Sida Shaqalaha Hotelada, Shaqalaha Maqaayadaha ku yaalo Makah Almukaramah, Shqalaha Farmashiiyayaasha, shaqaalaha Bukiyeerada, Shaqaalaha Dukaamada.

Hay’addii hubinta iyo faayodhowrka u xilsaarnaa ee dowladda hoose ee Xamar inay ku guuleestaan inay helaan ama qabteen dad Qabay cudurada faafa sida Cudurka ee (HIV aids) iyo Cudurka (Hepatitis B iyo C ) Cagaarshowga waxaa qabay oo laga helay baaris ka dib B iyo C 300 qof oo iskugu jira Soomaali iyo Ajanabi ,Halka laga helay 35 qof HIV kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 4 qof oo shaqaale ajanibi ah.Waxaana la geeyay goibaha caafimaadka si ay u qataan dawooyinka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaa shanaayo Hay’addaha ammaanka, Garsoorka, Socdaalka, ayaa ku guuleesteen inay dib ugu celiyaan dalalkii ay kasoo jeedeen Afar shaqaale oo qaba HIV oo ku shaqaynayay Xirfadaha kala ah Cunno kariye, Dhaqtarnimo, iyo Goobaha leesku qurxiyo.

1′ Dhammaan goobaha Bulshada loogu adeego waxaa waajib ku ah inay heestaa Ruqsada Caafimaadka faayadhowrka ee goobta.

2′ Dhammaan shaqaalaha ka shaqeeyo goobahaas waa inay heestaan kaarka Caafimaad Qabka.

3′ Shaqalaha ajaanibta ah waa inay heestaan Kaarka Caafimaad faayadhowrka.

4′ Dhammaan goobaha lagu kaydiyo badeecadaha waa inay heestaan,Caddaynta badqabka Raashinka iyo daawooyinka.

5′ Milkiilayaasha waxaa la farayaa inaysan shaqo galin karin qofka aan ku guulaysan helista warqada caafimaad qabka.

6′ Ciddii ku xad-gudta nidaamka faayadhowrka waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...