Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeygalaya caleema-saarka Madaxweynaha Rwanda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne Kagame, waxaa uuna ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Rwanda sida ay uga soo kabteen dagaalladii sokeeyee iyo qaran jabkii ku yimid dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Rwanda soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...