Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ku guuleystay shahaadooyin caalami ah

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleystay saddex shahaado oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO.

Munaasabad lagu soo bandhigay seddexda shahaado ayaa lagu qabtay xalay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socda dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bankiyada, iyo ururrada bulshada rayidkaa ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane xildhibaan Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo munaasabadda ka hadallay ayaa sheegay inaysan aheyn wax sahlan ku guuleysiga saddex shahaado caalami, taasoo keentay shaqo la taaban karo in laga qabatay dalka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin ayaa isna sheegay in hay’adda qabatay howlo muhiim u ah Qaranka taasoo keentay in ururka Caalamiga ah ISO ka helaan shahaadooyinkaas caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...