Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ku guuleystay shahaadooyin caalami ah

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleystay saddex shahaado oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO.

Munaasabad lagu soo bandhigay seddexda shahaado ayaa lagu qabtay xalay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socda dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bankiyada, iyo ururrada bulshada rayidkaa ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane xildhibaan Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo munaasabadda ka hadallay ayaa sheegay inaysan aheyn wax sahlan ku guuleysiga saddex shahaado caalami, taasoo keentay shaqo la taaban karo in laga qabatay dalka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin ayaa isna sheegay in hay’adda qabatay howlo muhiim u ah Qaranka taasoo keentay in ururka Caalamiga ah ISO ka helaan shahaadooyinkaas caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada D/g waqooyi Bari

Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka D/G- ka waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta...

Tacsi: Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan...