Xubnaha guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka BJFSayaa maanta shir ku yeeshay xafiiskooda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Date:

Xubnaha guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka BJFS oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee ay u xilsaaranyihiin ayaa maanta shir ku yeeshay xafiiskooda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

kulanka oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurk ee BJFS Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow) , ayaa ajandihiisu ahaa dejinta qorshe howleedka guddiga ee ku aaddan kalfadhiga 5-aad ee BFS iyo dib u eegista cutubyada 𝟓-𝐚𝐚𝐝 ilaa 𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee Dastuurka KMG oo ay guddigu horay ugu direen guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka, si ay ugu soo sameeyaan dib u eegis ugana dhigaan luuqad Dastuur.

Howshaas oo guddigu ku guda jiro, isla markaana la marayo wajigii latashiyada dadweynaha ayaa dhowaan waxaa soo dhammaanaya qabyo qoraalkeeda koowaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...