Madaxweyne Guudlaawe: waa in aan isugu tagno galbeedka Hirshabeelle si aan khawaarijta uga xorayno

Date:

-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiiradda, Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka qeyb galay munaasabad soo dhaweyn oo Golaha Deegaanka Jowhar ay xalay u sameeyeen Wafdigii Madaxweynaha ee safarka dheer ku soo maray deegaanada Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa magaalada Mudane Cusmaan Baareey ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa caasimada kusoo dhaweeyay.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdillaahi Xuseen Guudlaawe oo goobta ka hadlay ayaa shacabka Hirshabeelle uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay uga qayb qaateen dagaalka dalka looga xoraynayo Khawaarijta.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in maalmaha fooda nagu soo haya wejiga xiga ee dagaalka lagu qaadayo deegaanada hirshabeelle ee Webiga ka xiga dhanka galbeedka,shacab iyo maamul na la isu kaashan doono in deegaanada laga sifeeyo kooxaha khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...