Maamulka Gobalka Banaadir oo kulan Qur’aan akhris ah u sameeyay Shuhadadii Xeebta Liido

Date:

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Duco iyo Qur’aanka Aqris ah ugu sameeyay Shuhadadii Todobaadkii hore ay Kooxaha Khawaarijta ku xasuuqeeen xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Boqolaal ka tirsan Howlwadeenada Gobalka Banaadir iyo Bulshada Caasimadda ayaa Salaada Jimco ku tukaday barxada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Waxaana Khudbada Salaada Jimco lagu soo qaatay sida ay Diinteena suuban u xaaran-tameesay in Naf bini-aadam ah la gooyo iyo in falalka guracan ay kooxaha Khawaarijta marnaba aysan ka turjumeynin Diinta Islaamka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa salaada kadib markale si kulul ugu hadlay falalka guracan oo ay Kooxaha Khawaarijta ku beegsato shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxa uuna halkaasi ugu duceeyay Dalka, Dadka, Shuhadada, Inta dhaawaca ah iyo guud ahaan muslimiinta dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...