Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Booqday  Xarumaha Caafimaad ee ka jiro Baydhabo 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden oo howlo Shaqo u joogey Magaalada Baydhab ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed, ayaa kulan la qaatey Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed oo uu ugu horreeyo Wasiirka Caafimaadka KGS Mudane Maxamed Cismaan Xaaji iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur-galbeed.

Wasiirka ayaa warbixino ka dhageystey madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Koonfur-galbeed si loo sii amba qaado hayaanka horumarinta Caafimaadka dalka sidoo kalena xal waara looga gaaro caqabadaha ku hor gudban Caafimaadka taasoo qeyb ka ah dedaalada socda ee uu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ku baadi goobayo Caafimaadka loo dhanyahay ee guud ahaan dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa sidoo kale booqashooyin kala duwan ku tagey Xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed, Isbitaalka guud ee magaalada, Keydka Daawada kii hore iyo mid hadda dhismihiisubmarayo heer gebagaba ah, Warshadda Oxygen-ta ee dhawaan la soo gaarsiiyey magaalada Baydhabo, Xarumaha lagu keydiyo Tallaalka KGS, sidoo kale Wasiirka ayaa booqdey Isbitaalka degmada ee ay maamusho He’adda SOS, iyo Public Health Emergency Operation Center oo dhismaheedu soo dhamaadey mar dhow.

Wasiirla waxa uu Warbixino ka kala duwan ka dhageystey Maamulka iyo shaqaalaha xarumaha kor ku xusan ee uu booqashooyinka ku bixiyey si loo helo caqabadaha xalka u baahan ee jira, waxa uuna barbixinadooda ka dib ku amaaney shaqada quruxda badan ee ay u hayaan bulsho waynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Koonfur-galbeed Soomaaliya, waxa uuna xusey in Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay markasta sidii loo sii harumarin lahaa nidaamka Caafimaadka tuulo min degmo ilaa Gobol guud ahaan dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...