Wasiir Fiqi oo la kulmay xoghayaha guud ee OIC

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya musane Axmed Macallin Fiqi,ayaa magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Sucuudiga kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee ururka dowladaha Islaamka mudane Xuseen Ibraahim Daaha, waxaana ay ka wada hadleen caqaalaadka labada dhinac iyo danaha wadaagga ah ee ka dhexeeya.

Wasiir Fiqi ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay la shaqeynta ururada caalamiga ah oo OIC ka mid tahay, si sare loogu qaado doorka Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga dowladaha Islaamka danjire Daaha ayaa bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee ay qaaday dowladda Soomaaliya, sida la dagaalanka xagjirka, horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Fiqi, ayaa Jeddah uga qaybgalay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda dalalka OIC, kaas oo looga hadlay qadyadda reer Falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...