Wasiir Biixi “In dhaqaalaha dalka uu kordho waxaa Laf-dhabar u ah amniga”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in korodhka uu sameeyay dhaqaalaheennu uu sabab u tahay amniga dalka oo soo hagaagaya, loona baahan yahay inaynu si wadajir ah uga shaqeyno sugidda amniga dalka si loo gaaro isku filnaasho xaqa dhaqaalaha ah.

Wasiir Biixi “In dhaqaalaha dalka uu kordho waxaa Laf-dhabar u ah amniga, sidaas darteed waxaan u baahanahay inaan si wadajir ah uga shaqeyno”.

Wasiirka Biixi oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in ay muhim tahay mideyta maamulka dakhliga iyo hannaanka canshuuraha dalka, si innaga oo wada jirna aynu wax ula wadaagno suuqa bulshada bariga Afrika oo aynu dhowaan ku biirnay.

Mudane, Biixi iimaan Cige ayaa sheegay in loo baahan yahay maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo in soo jiidasho loo sameeyo dadka hantidooda gelinaya, wuxuuna xusay in dowladdu ay diiradda saari doonto dhammaan fursadaha jira si loo helo shaqa abuur iyo sare u kac maaliyadeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...