Wasiir Biixi “In dhaqaalaha dalka uu kordho waxaa Laf-dhabar u ah amniga”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in korodhka uu sameeyay dhaqaalaheennu uu sabab u tahay amniga dalka oo soo hagaagaya, loona baahan yahay inaynu si wadajir ah uga shaqeyno sugidda amniga dalka si loo gaaro isku filnaasho xaqa dhaqaalaha ah.

Wasiir Biixi “In dhaqaalaha dalka uu kordho waxaa Laf-dhabar u ah amniga, sidaas darteed waxaan u baahanahay inaan si wadajir ah uga shaqeyno”.

Wasiirka Biixi oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in ay muhim tahay mideyta maamulka dakhliga iyo hannaanka canshuuraha dalka, si innaga oo wada jirna aynu wax ula wadaagno suuqa bulshada bariga Afrika oo aynu dhowaan ku biirnay.

Mudane, Biixi iimaan Cige ayaa sheegay in loo baahan yahay maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo in soo jiidasho loo sameeyo dadka hantidooda gelinaya, wuxuuna xusay in dowladdu ay diiradda saari doonto dhammaan fursadaha jira si loo helo shaqa abuur iyo sare u kac maaliyadeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...